Hay’addaha Gargaarka ee Midowga Europe ayaa ka digay Khatarta uu shuban-biyoodka ku hayo dadka Soomaalida.
Madaxa Hay’adda Samafalka Aadminimo ee Ururka EU-da ugu qaabilsan Somalia, John Heffinck ayaa sheegay inay sii kordhayaan dadka u geeriyooda cuddurka Koleeraha, wuxuuna tilmaamay  inay  in ka badan 18,000  oo kiis lagu arkay Somalia snnadkan, kaasi oo 3,000 oo kiis dheer sannadkii hore oo la arkay  ku-dhawaad 15,000 kiis ee Cuddurka Koleeraha.
Waxa uu xusay in xaalladda cuddurkjaasi ee haatan si aan caadi ahayn loogu dhimanayo, iyadoo 45-kii Bukaan uu mid ka mid ah u geeriyoonayo Shuban-biyoodka.
Qoysaska ayaa waxaa lagu khasbaa inay cabaan biyo aan nadiifka ahayn, iyadoo ay Somalia ka jirto Abaar daran.
Kala bar Tirada guud ee Soomaalida ayaa la filayaa inay Kaalmo u baahnaan doonaan bisha July ee soo socota.
Madaxa Hay’adda Samafalka Aadminimo ee Ururka EU-da ugu qaabilsan Somalia, John Heffinck waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay in qarka loo saaran yahay Macluusha, haddii uusan roobku da’in.
Dhinaca kale, waxa u usheegay inay Hay’addaha Samafalka si joogto ah u shaqeynayaan si looga hortago Masiibadii Macluusha ee Somalia ka dhacday sannadkii 2011-kii, kuna geeriyoodeen in ka badan 260,000 oo qof.
©Radio Dalsan
Â