(SAWIRO): 13-qof oo ku geeriyootay Diyaarad Milliteri oo ku burburtay dalka Indonesia.

Diyaaradaasi Xamuulka ee Hercules C 130  ayaa la sheegay inay ku burburtay Gobalka Bariga Fog ee Papu ee dalkaasi.

Taliyaha Ciiddanka Cirka ee dalkaasik, Agus Supriatna ayaa u sheegay Telefishinka Metro TV inay Diyaaradaasi oo saakayto burburtay ay waday shixnad raashin laga soo qaaday Degmadda Timika, kuna sii jeeday Degmadda kale ee Wamena.

Waxa uu intaasi ku daray in la tuhunsan yahay inay Cimiladda oo xun darteeda u burburtay Diyaaradaasi o oay la socdeen 3 Shaqaale iyo 10 xubnood oo rakaab ahaa.

Telefishinadda dalkaasi ayaa soo bandhigay Muuqaalka burburka Diyaaradda iyo Kooxaha Gurmadka oo gaaray goobta ay Diyaaradda ku dhacday.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor