Sarkaal sare oo ka tirsan Kooxda Daacish oo isku qarxiyey dalka Tunisia.

Hadal ka soo baxay Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inuu Ninkaasi is-qarxiyey xilli ay Ciiddanka Hawlgal ka wadeen Degmadda Siidi Buzid oo 200-KM dhanka K/Galbeed kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Tuunis.

Hawlgalkaasi waxaa kaloo lagu dilay Dabley kale, waxaana la rumeysan yahay inay xiriir la lahaayeen Kooxda Daacish iyo Alqaacidada Waqooyiga Afrika ee AQIM.

Afhayeenka Ciiddanka Ilaaladda Qaranka Tunisia, Kolonel Khaliifa Jibani ayaa sheegay inay Maleeshiyadaasi qorsheynayeen inay weeraro geystaan muddada lagu guda-jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Waxa kale oo uu tilmaamay in 3 qof lagu qabtay Hawlgalkaasi, iyadoo kuwo kalena la baadi-goobayo.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media