Sarkaal ka tirsan Milliteriga Kenyan ayaa la dilay, labo kalena waa la dhaawacay, kadib, markii ay Alshabaab weerareen kolonyo gaadiid oo ay Askartaasi la socdeen, xilli ay marayeen inta u dhexeysa Degmooyinka Ceelwaaq iyo Lafeey ee W/bari Kenya.
Taliyaha Boliska Mandera, Fredrik Shisia ayaa xaqiijiyey in la weeraray Askartaasi oo ka soo ambabaxday magaalladda Nairobi, kuna soo jeeday Degmadda Mandera.
“Waxaa naga geeriyooday Hal Sarkaal, 2-kalena waa la dhaawacay, kadib, markii ay Alshabaab jidgal ama Ambush ku sameeyeen Ciiddankaasi abaarihii 1-dii duhurnimo ee shalay†ayuu yiri Taliyahaasi oo intaasi ku daray in Askartii dhaawaca ahayd loo duuliyey Nairobi, wuxuuna ka gaabsaday inuu sheego heerka uu yahay Dhaawacyadooda.
Waxa kaloo uu sheegay in Ciiddan Gurmad ah oo loo diray goobtaasi ay  gaarigii lagu weeraray Ciiddankaasi u soo jiideen Xeradda Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Degmadda Ceel-waaq Kenya
Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Mandera, waxa uu tilmaamay inuu weerarku ku dhacay meel ku dhow Xuduudka Somalia, taasi oo Weerar-yahanadda Alshababaab u fududeysay inay dib ugu laabtaan gudaha Somalia.
© Radio Dalsan