Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu Magacaabo Ibraahim Manuur Cusmaan ayaa isku soo dhiibey Maamulka Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Waxana Sarkaalkan uu ahaa Mudo kamid ahaa 9-sano ah Al-Shabaab,isagoona hoggaamin jirey daagaalo kala duwan oo lagu soo qaadey Degmada Diinsoor iyo Deegaano Ka tirsan Koonfur Galbeed.
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed Shiine Mayow Aadan iyo Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Shig-shigow ayaa si wadajir ah u sheegay in xiriir uu la soo sameeyay Sarkaalkan ,islamarkaana ay soo dhoweeyeen.
Ibraahim Manuur Cusmaan ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed iney cafiyaan,sheegeyna inuu ka tanaasulay fikirkii qaldanaa ee Al-Shabaab waa sida uu sheegay.