Fanaanka  Soomaaliyeed Nimcaan Hilaac oo maalmahan Suudaan u joogay Show uu qaban lahaa ayaa xalay qabsaday Showgaas oo ay ka soo qeyb galeen ku dhawaad 300 qof oo dhalinayrada jaamacadaha ka dhigata u badan .
Showga oo ka dhacayey bartamaha caasimada ee Khartuum ayaa markuu bilawday waxaa soo galay ciidamada booliska Suudaan oo xiray fanaanka iyo 2 ka mid aheyd qabanqaabiyaashi xaflada inkastoo marki dambe la soo daayey qabanqaabiyaasha .
Xariga Nimcaan ayaa yimid sida ay saraakiil safaarada Soomaalida oo aan la xiriirnay ay noo sheegeen kadib markii qolada showga qabanqaabineysay ay ku diiwaangaliyeen Hoolka inuu aroos dhacayo balse markii dambe ay booliska ka war Heleen inuu show socdo.
Fanaanka oo xalay ku hoyday saldhiga booliska ayaa la soo taagay saaka maxkamada , waxaana ay ku xukuntay ganaax dhan inuu bixiyo 1,500$ uuna dalka uga baxo 24 saac haddii kale xarig 6 bilood ah .
Nimcaan ayaa la sheegay in uu bixinayo lacagtaas uuna ka soo laabanayo dalka Suudaan sida maxkamada ay xukunka u riday .
Axmed Yusuf oo ka mid ah ardeydi xalay u daawasho tagtay showga ayaa Radio Dalsan u sheegay in dhalinyarada ay aad uga xumaadeen in sidaas wax u dhacaan , waxuuna qabanqaabiyaasha ku eedeeyey ineysan wadiiqo sax ah u soo marin kireynta hoolka .
Waa marki u horeysay ee fanaan Soomaaliyeed maxkamad Suudaan ku xukunto masaarurin iyo Ganaax .