Warbixin uu siiyay Taliyaha Ururka 60-aad Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle, ayaa lagu sheegay in Saddex Sarkaal ay u xiran yihiin tacaddiyadii dhawaan Magaalada Muqdisho loogu geystay wariyeyaal Soomaaliyeed.
War qoraal ah oo lagu daabacay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa lagu sheegay in Saddexdan Sarkaal ay haatan ku jiraan Gacanta Laanta Hay’adda Dembi Baarista ee Booliiska dowlada Soomaaliya.
18kii Bishan ee 2019 ayaa Magaalada Muqdisho waxaa tacaddiyo loogu geystay Wariyeyaal,kuwaasi oo xiliga falka uu dhacayay ku guda jiray howlo shaqo ay ka wadeen Isgoyska Banaadir ee Muqdisho.