Taliye ku-xigeenka Ciidamada dhulka dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Xuseen Xoosh Cali iyo Saraakiil kale Ciidan ayaa kormeeray xarada Ciidamada ay ku leeyihiin duleedka degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Taliye ku-xigeenka ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada dowladda, isagoona ka dhageystay Warbixin ku aadan xaaladda Ciidamada ku jira Xerada iyo howlgalada ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.
Jeneraal Xuseen Xoosh Cali ayaa Ciidamada dowladda ee uu booqday u sheegay in looga baahan yahay shaqo adeg, isagoona faray inay diyaar u garooban howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo laga bilaabayo deegaanada Jubbooyinka.
Taliyaha ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehliyay Taliyaha Guutada Gorgor, Gashanle Dayax Cabdi, Abaanduulaha Guudatada 10-aad qeybta 43-aad ee Gobolka Gedo, Col Cismaan Sheekh Cabdi Qorax, Taliyaha Nabadsugida Gedo Cabdi Dheere iyo Sarakiil kale.
Si kastaba Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa dhowr jeer oo horey Gedo uga dhawaaqay howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo laga fulinayo deegaanada Jubbooyinka ay kaga sugan yihiin.