Madaxweyne Cali Guudlaawe oo laba diyaaradood u soo raacay Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo Maanta kasoo ambabaxay Magaalada Jowhar ayaa laba diyaaradood oo mid ay tahay Helicopter u soo raacay Magaalada Muqdisho.

Caasimadda Hirshabeelle ee Jowhar oo go’doon ugu jirta fatahaadii ka dhalatay Wabiga Shabeelle ayaa waxaa xiran labada waddo ee muhiimka u ah soo gelitaanka iyo ka bixitaanka Magaalada.

Cali Guudlaawe ayaa diyaarad Helicopter looga qaaday Saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihiin dhinaca bari ee Jowhar, iyadoo geysay Garoonka diyaaradaha oo magaalada u jira dhowr iyo toban KM, waxaana wadada isku xirta Jowhar iyo Garoonka diyaaradaha gooyay biyaha daadadkii ka dhashay fatahaada.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Jowhar kasoo qaaday diyaarad caadi ah isaga iyo wafdi uu hoggaaminayay, iyagoona kasoo degay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Cali Guudlaawe ayaa u yimid Caasimadda dalka ka qeyb galka Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee Maanta ka furmaya Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho,

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor