Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Filibiin, Charles Jose ayaa sheegay inay Taageero dhinaca Sharciga siinayaan Haweeneydaasi oo lagu xukumay 10-sanno.
Afhayeenka oo maanta la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inay weli xaqiijinayaan Wararka ku aadan Eedeymaha lagu soo oogay Haweeneydaasi iyo xukunka ku dhacay.
Waxa uu intaasi ku daray inay Safaaradda ay ku leeyihiin dalka Kuweyt diyaarisay wixii taageero Sharci iyo Qunsuliyad si loo hubiyo inaan lagu xad-gudbin Xuquudeeda.
Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Livani Azvilo Pescaeda waxaa shalay la so otaagay Maxkamad ku taalla caasimadda dalka Kuweyt ee Kuweyt city, waxayna qiratay inayku biirtay Daacish iyo inay Is-qarxin ka geysato dalkaasi.
Baarayaasha dalkaasi ayaa sheegay inay Haweeneydaasi si cad u qiratay inay xubin ka tahay Kooxda Daacish iyo inay is-qarxin lahayd.
Haweeneydaasi waxaa la qabtay bishii August ee sannadkan, labo bilood kadib, markii ay tegtay dalkaasi, waxayna horey Adeegto uga ahayd dalka Sacuudiga.
Waxaa kaloo laga soo xigtay inay u sheegtay Baarayaasha inuu ninkeeda oo Somali ah ka codsaday inay tagto Kuweyt si ay u noqoto Adeegto.
Ninkeeda oo aan magaciisa la shaacinin ayaa la sheegay inuu ka tirsan yahay Dagaalamayaasha Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka Libya.
Wargeyska Al-ra’yi ee ka soo baxa dalka Kuweyt ayaa qoray inay Haweeneydaasi soo islaantay 2-sanno ka hor, kadib, markii uu guursaday Nin Somali oo haatan ku sugan dalka Libya.
©Radio Dalsan