Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhow oo Caawa ah xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Wasaaradda amniga Xasan Xundubey Jimcaale.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa xilka Wasiirka amniga loogu magacaabay inuu noqdo Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, isagoo bedelaya Wasiirkii hore ee amniga Xasan Xundubey.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa uga mahadceliyay Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.
Khilaafka u dhexeeya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray heekii ugu xumaa, kaasi oo ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la sheegay in la dilay.