Waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay xiliga kama dambeysta ah ee lasoo saaray xukunka dacwaddii badda ee Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay soo saartay Taariikhda lagu dhawaqayo Xukunka.
Ra’iisal wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa shaaciyay taariikhda ay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay soo saarayso xukunka dacwaddii badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Ra’iisal wasaare ku xigeenka oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ku baahiyay warkan la xirriira dacwadda badda.
“Alxamdulillaah,Waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka Oktober, 2021,” ayuu Mahdi Guuleed qoraalkiisa ku yiri.
Dhul badeedka la isku haysto ayaa dhan 100,000 oo isku wareeg KM ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa dacwadda badda gudbisay sanadii 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii ay guul-darreysteen dhammaan wada-xaajoodyadii labada dhinac.
Dhageysigii ugu dambeeyey ee dacwadda, oo dhacay bishii March 2021, ayaa waxaa qaadacay oo dood oraaheedkii ka baaqsaday dowladda Kenya kadib markii maxkamadda ay diiday codsigii Kenya ee ahaa in mar kale dib loo dhigo kiiska.
Soomaaliya ayaa marar badan ku gacan seertay dalabka Kenya oo ah in murankan lagu dhameeyo meel ka baxsan maxkamadda iyo hab diblomaasiyadeed.