Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi oo safar shaqo ku jooga Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Guddoomiye Cali Saciid ayaa ka wada hadlay arrimaha Doorashooyinka dalka, xaaladihii ugu dambeeyay ee KGS iyo la shaqeynta maamulkaas ee dowladda Federaalka.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Cali Saciid Fiqi ayaa waxaa lagu sheegay in Guddoomiyaha iyo RW Maxamed Rooble ay isla garteen inay isku aragti ka yeeshaan arrimaha masiiriga ah ee Qaranka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda sida wanaagsan ee uu qaabiley.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horey ula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed, isagoo kula dardaarmay dadar-gelinta arrimaha Doorashada maamulkaas.