Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa Guddoomiye Cusub u magacaabay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Abuukar ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha degmada Afgooye loogu magacaabay inuu noqdo Aweys C/llaahi Cumar Aweys Buulaloow, isagoo bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmadaas Ibraahim Cumar Qaasim.
Sidoo kale Wareegtada magacaabista ayaa waxaa Guddoomiye Cabdullaahi Buulaloow lagu faray inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday, isla markaana ay la shaqeeyaan laamaha amniga Afgooye.
Ibraahim Cumar Qaasim ee xilka qaadista uu ku sameeyay Wasiirka Arrimaha gudaha Koonfur Galbeed ayaa muddo haayay xilka Guddoomiyaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo looga mahadceliyay shaqooyinkii uu soo qabtay.
Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista ee uu soo saaray Wasiir Maxamed Abuukar.