Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in Caawa halkaas lagu dilay Nin la sheegay inuu kamid ahaa dadka deegaanka Magaaladaas.
Dad goobjoogayaal ah ayaa ku warramay in wiil dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolad uu toogtay Ninkaas xili uu ku sugnaa gudaha Masaajidka Abuu Hureyra ee Gaalkacyo, waxaana markaas laga baxay salaadii maqrib.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Siciid Jaamac Kulan (Siciid Manadona), waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu ahaa Nin taksiile caan ah oo ka dhex-shaqeyn jiray Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.
Ninkii hubeysnaa ee dilay Siciid Manadona ayaa si deg deg ah goobta uga baxsaday, isla markaana waxaa daqiiqado kadib Masaajida uu falka ka dhex dhacay tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Puntland.
Ciidamada Booliska ayaa Caawa lasoo sheegayaa in howlgalo kala duwan ay ka wadaan xaafado dhowr ah oo ka tirsan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyagoona raadinaya ninkii falka dilka ahaa geystay.