Ra’iisul Wasaaraha Xuumadda Federaalka Soomaaliya Mohamed Hussein Rooble ayaa kulan la qaatay laamaha amniga dalka, waxaana uu hay adaha ammaanka faray la adkeeyo ammaanka guud ee dalka, gaar ahaan ka Caasimadda Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale Saraakiisha laamaha amniga faray in la dar dar galiyo sugidda ammaanka, waxaamna si gaar ah uu ugaladardaarmay aminiga guud ee doorashoooyinka dalka,kuwaasi oo Maamulada qaar si rasmi ah uga billawday.
Waxaana uu si gaar ah ula dardaarmay Saraakiisha ammaanka, waxaana uu ku boorriyay in ay si gaar ah iyo mas’uuliyad weyn iska saaraan ammaanka dalka, xili dalku galay doorasho, taasi oo loo baahan yahay in ammaanka la adkeeyo.
RW Maxamed Xuseen Rooble ayaa horay ulawareegay ammaanka iyo guud ahaan hannaanka doorashoyinka dalka, waxaana dhawaanahaan soo baxay khilaaf xooggan oo u dhexeeya Xukuumadda iyo Madaxweyne Farmaajo,iyadoo maanta lagu wado in RW Rooble u ka dego Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.