Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in loo diyaar garoobayo qabashada doorashada Somaliland, kadib markii heshiiskii laga gaaray khilaafkii ka taagaa arrintaas.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in Siyaasiyiinta iyo dadkii uu ka dhexeeyay khilaafka ay daahiyeen qabashada doorashooyinka Xildhibaanada Gobolada Waqooyi, balse heshiis la gaaray, uuna diyaar u yahay in la qabto doorashada.
Rooble ayaa siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ka dalbaday inay u soo diyaar garoobaan doorashada, isla markaana soo diyaariyaan Jadwadka doorashada, Cafisna weydiistay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Xildhibaanada labada Aqal ee Somaliland.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xaaladda dalka uu ku jiro haatan laga baxayo, isla markaana horey loo soconayo, isagoona Carabka ku dhuftay in aysan cirin cid loo istaagayo.
“Mas’uuliyada kursiga shacabka ayaa inoo dhiibtay, shacabka cid ka sareysa malahan cid kursiga u dhimaneyso ma jirto, qof kasta oo siyaasi ah waxaana u sheegayaan inuu u hoggaansamo baahida shacabka, cid awooda shacabka ku takri fali karto ma jirto horey ayaa loo soconayaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.
Hadalkaan ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ka sheegay Munaasabad uu ka qeyb galay oo ay isku cafinayeen siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland, kadib markii ay heshiis ka gaareen khilaafkii doorashada Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed.