Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kulan casho sharaf ah la qaatay Isimada dowlad gobaleedka Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo maalmo kahor soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Kulnka Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Isimada ka socday Puntiland iyo dowlad deegaanka ayaa waxaa uu ahaa mid is xog-wareysi ah oo labada dhinac ay isaga xog-wareysteen arrimo kala duwan.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa bogaadiyay dowrka dhqanka ee horumarka bulshada, wuxuuna uga mahadceliyay booqashada ay ku yimideen Magaalada Muqdisho.
Isimada ka socday dowlad gobaleedka Puntiland iyo dowlad deegaanka Soomaalida ayaa Ujeedka ay Muqdisho soo gaareen lagu sheegay inay tahay dadaalada loogu jiro nabadeynta Soomaaliya, isku soo dhowaanshaha umadda Soomaaliyeed iyo arrimo kale.
Ugu dambeyntii Kulanka Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehlinayay Wasiir, Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga dalka.