Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska sida gaarka u tababan ee loo yaqaano Haramcad ayaa saacadihii lasoo dhaafay la wareegay gacan ku heynta degmooyinka Beled-xaawo iyo Doolow oo ka tirsan Gobolka Gedo.
Ciidamadan oo dhawaan ay dowladda Federaalka geystay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ayaa gelinkii dambe ee shalay gudaha u galay Beled-xaawo iyo Doolow, waxaana gacanta ay ku dhigeen Xarumo muhiim ah oo halkaas ku yaallay.
Sidoo kale dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay arkayeen Ciidamo badan oo ka tirsan dowladda Federaalka oo gudaha usoo galayay Beled-xaawo iyo Doolow.
Dadka ayaa sidoo kale soo sheegaya in Ciidanka ay la wareegeen gacan ku heynta Garoomada diyaaradeed ee degmooyinkaas, isla markaana ay durbo fariiso ay ka sameeysteen.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Garoonka diyaaradaha Degmada Dolow ay ka degtay diyaaradii ugu horeyasay oo wada Gadiid dagaal oo la tilmaamay inay isticmaali doonaan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee halkaas ku sugan.
Si kastaba la wareegida Ciidanka dowladda ee Degmooyinka Beled-Xaawo iyo Doolow ayaa ku soo aadeysa, iyadoo shalay halkaas uu gaaray Wasiirka amniga Jubbaland oo baxsad ka ah dowladda, hayeeshee markii dambe uu isaga baxay halkaas