Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaaji Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayay oo labadii maalmood ee tagtay ku sugnaa Asmara ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Asmara ku soo sagootiyay dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki,waxaana muhiimadda booqashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Eriteriya faah faahin ka bixiyay agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Ahmed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa booqday dalka Ereteriya muddadii u dhexaysay 10-ka ilaa 11-ka bisha Jannaayo ee 2020, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Mudane Isaias Afwerki.
Intii lagu gudajiray booqashada, labada Madaxweyne waxa ay yeesheen wadahadallo qotadheer oo ku aaddan xiriirka labada dhinac iyo arrimaha Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee labada dal.
Labada Madaxweyne waxa ay iyaga oo ku qanacsan isla qireen koboca ballaaran ee ku yimi iskaashiga labada dhinac laga soo bilaabo heshiiskii wadajirka ahaa ee ay kala saxiixdeen bishii July 29, 2018, kaasi oo ku qotomay saaxiibtinnimada iyo Iskaashiga loo dhan yahay.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi waxa uu Madaxweyne Isaias uga mahadceliyay martisoorkiisa iyo garab istaagga joogtada ah ee Ereteriya la garab joogto Soomaaliya.