Al-shabaab oo weeraro ku qaaday Saldhigyo Ciidan oo ku yaalla Sh/Hoose

Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolkaas Saldhigyo Ciidan oo ku yaalla lagu qaaday weeraro kala duwan, isla markaana ay dhaceen dagaalo xoogan.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay weeraro ku qaadeen Saldhigyo Ciidanka midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin Marka, Buufoow Number60 Janaale iyo Buula Mareer, waxaana la sheegay in intaas kadib uu dhacay dagaal.

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in ay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo ay is-dhaafsanayeen Ciidanka AMISOM iyo Al-shabaabkii weerarka soo qaaday, hayeeshee dadka aysan cadeyn karin Khasaaraha ka dhashay weerarada.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidanka AMISOM ee ku sugan Buula Mareer ay madaafiic xoogan oo Jawaab ah tureen, kuwaasi oo la tilmaamay in qaarkood ay ku dhaceen dhul-beereedyo.

Weeraro geystay Khasaarooyin kala duwan ayaa dhowr jeer Al-shabaab waxaa ay ku qaadeen Saldhigyo Ciidanka dowladda iyo kuwa AMIOSM ku leeyihiin Gobolada dalka , waxaana weerarada, kadib dhacay dagaal u dhexeeyay dhinacyada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media