Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Guddoonka Guddiga doorashooyinka Gobollada woqooyi (Somaliland).
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday dardar gelinta iyo u diyaar garowga qabashada doorashada kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee Somaliland.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiintan ku bogaadiyay doorkii ay ku lahaayeen in ay si guul ah ku soo dhammaato doorashada xildhibaannada Gobollada Waqooyi (Somaliland) ku matalaya Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed iyo Guddoonka Guddiga doorashooyinka Gobollada woqooyi ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay kaalintii wanaagsaneyd ee ka qaatay doorashada dhacday.
Maalintii Arbacada ee 29-kii September ayaa Teendhada Afisyooni lagu doortay lix xubnood, halka Khamiis 30-kii September la doortay shan xubnood, waxaana sidaas lagu soo gaba-gabeeyey doorashada 11-ka Senator ee Somaliland ku meteleysa Aqalka Sare ee Soomaaliya.