Ra’isul-wasaarihii hore ee dalka Shiinaha, Li Peng ayaa la sheegay inuu xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalladda Pejing, inkastoo aan la shaacinin nooca uu yahay cuddurka uu u geriyooday.
Li Pen goo lagu naanaysi jirey Kawaanlihii Pejing waxa uu ku caan baxay Xukunkii Degdega ee la soo rogay muddadii ay dibadbaxyadda Dimuqraadi-dooni ah ka dhaceen Fagaaraha Tiyanmen oo ku yaalla bartamaha caasimadda dalkaasi ee Pejing.
Ciiddanka waxay xilligaasi dileen Boqolaal ka mid ah dadkii dhigayey Dibadbaxyadda, iyadoo
Li Peng oo 91-jir ahaa waxa uu Xilka Ra’isul-wasaarenimada ka degay sannadkii 1988-kii, kadib, markii loo doortay Guddoomiyaha Xisbiga Shuuciga ee dalkaasi, wuxuuna hawlgab ka noqday Xisbiga sannadkii 2002-dii oo qeyb ka ahayd in Hoggaamiyayaasha Jiilka cusub lagu wareejiyo Talada dalkaasi.