Magaalada Kismaayo ee Caasimadda dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 23-ka Bisha Luuliyo waxaa kulan ku yeeshay Guddiga Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland iyo qaar kamid ah Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Jubbaland.
Kulankaas oo ahaa mid Casuumaad ah oo loo fidiyay Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa waxaa looga hadlay habraaca doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan Jubbaland.
Dhinaca kale Guddiga Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa Maanta Magaalada Kismaayo ka bilaabay Is-diiwaangelinta Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Jubbaland,isla markaana waxaa Maanta is-diiwaan geliyey ilaa 2 musharax.
Bisha soo socota ee Agoosto ee Sanadkan 2019, ayaa la filayaa in Magaalada Kismaayo lagu qabtay Doorashooyinka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha Jubbaland.