Benjamiin Netayahu waxa uu Danjire Daniel Shapiro kala xaajooday Ka-maqnaanshihii Maraykanka ee Go’aankii Golaha Ammaanka ee QM ku codsadeen in la joojiyo Dhismaaha Deegaanadda ay Yuhuudda ka wadaan dhulalka la-haysto ee Falastiin.
Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Yuhuudda waxay u yeertay 10 Danjire oo ka kala socday dalalka kale oo ay kaga cawdeen taageeradda ay siiyeen Qaraarkii Jimcihii la soo dhaafay ay ansixiyeen Golaha Ammaanka ee QM.
Danjirayaasha loo yeeray oo ka kala socday 14-kii dal ee u codeeyey Qaraarka ayaa Safaaraddu ku leh Yuhuudda, ayaa kala ah dalalka Britain, Shiinaha, Raasjiya, Faransiiska, Masar, Japan, Uruguay, Spain, Ukraine iyo New Zealand
©Radio Dalsan