Kulanka xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya ayaa lagu wadaa barqada maanta inuu furo madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo kaasi oo uu isla maanta madaxweynuhu horgeen doono Ra’isul wasaaraha magcaabaan Xassan Cali Kheyri waxaana madaxweynaha uu weydiisan doonaa mudanayaasha baarlamaanka inay ansixiyaan Ra’isul wasaaraha uu soo magcaabay ee Kheyre.
Baarlamaanka ayaa maanta codka kalsoonida uqaadaya ra’isul wasaaraha cusub ee uu dhawaan soo magcaabay madaxweynaha soomaaliya si loo guda galo dhismaha xukuumada oo marka la ansixiyo ra’isul wasaaraha cusub looga fadhiyo dhismaha xukuumad taya leh.
Haddii codka lasiiyo ra’isul wasaare Kheyre waxaa laga sugayaan dhismaha xukuumada iyo inuu soo magcaabo golihiisa wasiirada mudo ku siman 15 Cisho.
Dhinacakale magaalada muqdisho waxaa xiray wadooyinka qaar iyadoo aan loo ogoleen isticmaalka gaadiidka waxaana loo xiray kal fadhiga baarlamaanka uu yeelanayo maanta.
Wadooyin muhiim u ah isticmaalka dadweynaha ayaa saakay xiran sida qeybo kamid ah wadada Maka al-mukarama iyo wadada dheer Wadnaha ee magaalada muqdisho waxaana wadooyinkaas lagu arkayaa ciiddama dowlada soomaaliya oo xaqiijinaya amaanka.