War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa lagu shaaciyay in holwgal la sameeyay shalay oo ku beegneyd 23/12/2018 lagu soo qabtay xubin ka tirsan Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.
Qoraal lasoo dhigay Barta twitter-ka Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in la qabtay Nin Daacish u qaabilsanaa soo tashkiilinta xubna cusub iyo faafinta wararkooda beenta ah (Borobagaandhada).
NISA ma shaacin halka Ruuxaasi laga soo qabtay iyo Magaciisa,hayeeshee waxa ay sheegeen in dhawaan cadaalada lahor-keeni doono waa sida ay hadalka u dhigeen.
NISA ayaa tiro ka dhowr jeer waxa ay shaacixzy inay Gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish,waxaana ugu dambeeyay war ku saabsanaa inay qabteen laba nin oo mid ka mid ah uu ahaa hoggaamiyeyaasha qaraxyadii Maalin ka hor ka dhacay Magalada muqdisho.
Howlgal aan cidi wax ku noqon ayaa ciidamada amniga 23-ka bishaan, kusoo qabteen howlwadeen ISIS u qaabilsanaa soo tashkiilinta xubna cusub iyo faafinta wararkooda beenta ah (Borobagaandhada), waxaana la horkeeni doonaa cadaaladda.#NISA
— NISA (@HSNQ_NISA) December 24, 2018