Ra’iisul Wasaare Xamse oo bixiyey Amar Deg-deg, kadib markii uu la hadlay Lafta-gareen

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa amray hey’adaha kala duwan ee amniga iyo gargaarka inay si deg deg ah uga jawaabaan xaaladda gobolka Bakool oo deegaanno ka mid ah ay falal amni darro ah ka geysteen Al-shabaab.

Amarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen.

Xamse  Cabdi Barre ayaa waxaa uu Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ka dhageystay warbixin ku aadan xaaladda Abaareed ee ka jira deegaanada Maamulka iyo  deegaannada ay  Al-shabaab ka geysteen falalka amni darro.

“Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa waxa uu ballanqaaday in dowladdu ay jawaab deg deg ah ka bixin doonto dhibaatada uu sheegay inay geysteen Al-shabaab, isla markaana gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka deegaannada Yeed, Washaaqo iyo Aato ee ay dhibaatadu soo gaartay” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Shalay ayey aheyd markii Al-shabaab ay weeraro ku qaadeen deegaanada Yeed iyo Aato oo ka tirsan Gobolka Bakool, isla markaana ku yaalla dhinaca xuduudka Somalia iyo Itoobiya, ayna ku sugan yihiin Ciidanka Liyuu Boolis, waxaana halkaas ka dhacay dagaalo xoogan oo geystay khasaaro badan, Al-shabaabna ayaa sheegtay inay la wareegtay deegaanada.

About Webmaster

View all posts by Webmaster