Maxkamadda Ciidamada oo Maanta xukuntay Haweeney ka tirsaneyd Al-shabaab

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta xukun ku riday haweeney lagu eedeyay sahminta howlgallada dilalka Qarsoon ee Al-shabaab geystaan iyo Kaydinta hubka fudud sida Bam Gacmeed iyo Bistoolad.

Magaca haweeney la xukumay ayaa lagu sheegay Deeqo Maxamed Xuseen Cabdi, taasi oo lasoo xiray bishii February Sedaxdeedii ee sanadkan, May dabayaaqadeedii ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaas ayaa xabsiga dhexe loo diray Garsuge ahaan.

“Deeqo Alshaab waxaa ku tashkiiliyay nin ay kala tageen mid saaxiib la’ah, waxa ay keedii hore iyo kan dambe kawada tirsan yihiin Alshabaab, laba sano ayaa laga joogaa markii ay ku biirtay kooxda, waxaana lacag ahaan loo siin jiray Boqol dollar bishiiba” ayaa lagu yiri Qoraal ay soo saartay Maxkamadda Ciidamada.

Deeqo Maxamed Cabdi oo loo yaqaano Faadumo ayaa laga soo qabtay degmada Kaaraan, waxa ayna xilligaasi joogtay Askari katirsan Dowladda oo ay dileen Al-shabaab gurigiisa oo ay daris ahaayeen.

Fadhiya kala duwan kadib Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Deeqo Maxamed Xuseen Cabdi 15-sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu dhincyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsaha ayaa haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

About Webmaster

View all posts by Webmaster