Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta xil cusub u magacaabay Taliyihii KMG ah ee Hay’adda Nabadsugida ee NISA Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Bashiir Goobe loogu magacaabay inuu noqdo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska ee Xukuumadda xilgaarsiinta, isagoo u rajeeyay in uu xilkiisa Eebbe u fududeeyo .
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Bashiir Goobe horey ugu magacaabay Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, xiligii uu taagnaa khilaafkii u dhexeeyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha.
Magacaabidan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii habeenkii jimcaha gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ee lagu soo afjaray khilaafka muddada u dhaxeeyay labada dhinac ee sababta u ahaa kala jabkii Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.
Heshiiskaas ay gaareen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa qeyb ka ahaa in Madaxweynaha uu soo magacaabayo Taliyaha Hay’adda Nabadsugida ee NISA, halka Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) loo magacaabo Wasiiru dowle.