Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan xasaasi ah la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida iyo laamaha amniga G/banaadir ayaa la wadaagay qorsheyaasha lagu dardar-gelinayo ammaanka, dhammeystirka dib-u-habeynta ciidamada iyo dagaalanka Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u soo bandhigay Taliyeyaasha Ciidamada ee uu la kulmay mudnaanta uu siinayo xasilinta amniga guud ee dalka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Laamaha amniga ayuu xasuusiyey Ra’iisul Wasaaruhu waajibka ka saaran ilaalinta nabadgelyada iyo fududeynta dhaqdhaaqa bulshada, iyagoona sii xoojinaya dadaallada lagu xaqiijinayo xasilinta caasimadda.

“Waxaan idin ku adkeynayaa in aad sii labanlaabtaan hawshii wanaagsaneyd ee aad horey usoo waddeen, lana timaaddaan dadaal dheeri ah oo aad si buuxda ugu fulinaysaan qorshaha amni ee xilliga doorashada.”

Kulanka oo ay ka qayb galeen siihayaha Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ayey dhankooda sheegeen guddiga amniga in ay sii dardar-gelin doonaan qorshahooda ku aadan amniga iyo la dagaalanka Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media