Maamulka Degmada Yaaqshiid oo fuliyay Amar kasoo baxay Duqa Muqdisho

Maamulka  degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa Maanta burburiyay Guryo iyo goobo Ganacsi ah oo sharci darri ah ay dad uga dhisteen waddo ku taalla xaafad ka tirsan degmadaas.

Guddoomiyaha Yaaqshiid Muuse Geesey Jimcaale oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu u sheegay in goobaha la burburiyay dadkii deganaa ay kal hore ku wargeliyeen inay ka guuraan, maadaama ay halkaas u dhisteen si sharci darro ah.

Waxaa uu sheegay Muuse Geesey in dadkii deganaa goobaha la burburiyay ay la yimideen Dukumeentiyo ku aadan dhulka, hayeeshee ay noqdeen kuwa been abuur, iyagoona dadka madkii dambe dacwad u gudbiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir, balse ay Maxkamadda sheegtay in halka ka degan yihiin ay tahay waddo.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiye Geesey ayaa waxaa uu tilmaamay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu amar ku bixiyay in la burburiyo Guryaha iyo goobaha Gancsi ah ee sida sharci darrada looga dhistay  Yaaqshiid, wuxuuna xusay in amarkaas la fuliyay, lana burburiyay.

Guddoomiye Muuse Geesey Jimcaale ayaa u digay dhammaan dadka degan waddooyinka ku yaalla degmada Yaaqshiid, isagoona Carabka ku dhuftay in dadka looga baahan yahay inay ka guuraan halkaas, isagoona sheegay in Maamulka uu amar u qabo inuu burburyo goobaha sida sharci darrad ah loo dhistay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media