Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magacaabay Guddiga diyaarinta aaska qaran ee Marxuum Xasan Abshir Faarax oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd ee dalka.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu Magaacaabay Guddiga Aaska Qaranka, kuwaasi oo ka kooban 9-xubnood, isla markaana waxaa Guddoomiye looga dhigay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.
Allaha u naxariistee Xasan Abshir Faarax ayaa shalay ku geeriyooday Magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga, isagoo halkaas ku xanuusanayay maalmihii lasoo dhaafay oo dowladda ay ugu qaaeday xaalad Caafimaad.
Hoos ka Akhriso Magacyada Guddiga la Magacaabay.
1- Mahdi Maxamed Guuleed Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS :Guddoomiye.
2- Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibaddaa
3- Mohamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta
4- Maxamed Abuukar Islow Wasiirka Amniga Gudaha
5- Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaalada
6- Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada
7- Fowsiya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka
8- Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) Wasiirka Gaadiidka
9- Maxamuud Xayir Ibraahim Wasiiru dawlaha Maaliyadda