Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa lagu waday inuu ka furmo Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug,hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid.
Wariyeyaal ku sugan Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in furitaanka Shirka dib u heshiisiinta Galmudug uu dib u dhac ku yimid,isla markaana aan la ogeyn sababta rasmi ah eek a dambeysan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo haatan ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu waday in uu furo shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ee lagu gogol xaari lahaa dhismaha Galmdugu loo dhanyahay.
Sidoo kale Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan dhammaan Ergooyin kala duwan oo ka kala socota beelaha dega deegaanada Galmudug,isla markaana ka qeyb geli lahaa Shirkaas.
Ammaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka dowladda ee loo yaqaano harmacad iyo kuwa AMISOM oo dhawaan halkaas la geeyay.