Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa bilaabay kulamadii ugu horreeyay ee siyaasadeed, kadib markii khamiistii lasoo dhaafay loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulankii ugu horreeyay oo ku koobnaa oo kaliya sallaan iyo is-barasho la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Cabdiweli Muudey, Xildhibaano iyo Wasiiro.
Sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa la sheegay in Magaalada Muqdisho ay ka dhaceen kulamo lagu qorshenayo in Ra’iisul Wasaaraha Cusub ay Codka kalsoonida ah siiyaan Xildhibaanada Golaha Shacanka.
Warar la helayo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Rooble uu todobaadkaan hortegi doono Golaha Shacabka, si kalsoonida loo siiyo, isla markaana uu kusoo dhiso Xukuumadiisa oo ay horyaallan shaqooyin farabadan.
Xalay ayuu markii ugu horreeyay hadlay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, isagoo sheegay inuu aqbalay xilka uu u Magacaabay Madaxweyne Farmaajo, uuna ku faraxsan yahay, sidoo kalena Golaha Shacabka ka dalbaday codka kalsoonida ah.