Rag ka tirsan Al shabaab oo lagu toogtay Puntland

Ciidamada Amaanka Maamulka Puntland ayaa Maanta dil toogasho ah waxa ay ku fuliyeen seddax ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al shabaab.

Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Xasan Cismaan Aloore ayaa Sheegay in seddaxdaasi ruux saakay la toogtay.

Raga la toogtay ayaa Magacyadooda Lagu sheegay:

1 Maxamed Cabdi Axmed

2 Xaajow Sheekh Nuur Cismaan iyo

3 Ismaaciil C/qaadir Jaamac

Al shabaab ayaa dhowr jeer weeraro ka geestay deegaanada Maamulka Puntland.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor