Dhimashada dadkaan iyo dhaawaca kuwa kale ayaa timid kadib markii rasaas lagu furay Arday ku sugneyd Afaafka hore ee iskuulka Al-cimra Qeybta uu ku leeyahay Xaafada Laba Dhagax  degmada Warta-Nabada ee Gobolkaan Banaadir.
Xoogaa muran ayaa soo kala dhex galay Ciidamo ku sugnaa Goobta uu falka ka dhacay iyo Ruux watay Mootada Bajaajka taas oo keentay in dadkii ku soo xoomay oo ay Ardayda ka mid ahaayeen la rasaaseey ayuu Dalsan u sheegay qof ka mid ah dadka deegaanka.
Xaalada Goobta ayaa daqiiqado kooban noqotay mid ay baqdin muujiyeen dadka Shacabka ah ee ku sugnaa Goobta la rasaaeeyay, waxana la sheegay ragii rasaasta furay ay Goobta ka baxsadeen.
Maamulka degmada Warta-Nabada weli kama hadlin dhacdadaas,balse xiriir aan la sameynay ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weydiino dhacdadaas.