Faah faahino ayaa laga helayaa Rag hubeysan oo xalay fiidkii hore Xaafad ka tirsan Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka degmadaas.
Dilkaas ayaa sigaar ah uga dhacay xaafadda Buula-xuubeey ee Degmada Wadajir, waxaana wiilka dhalinyarada ahaa toogtay rag hubeysan oo burcad ahaa, iyagoona falka kadib goobta baxsaday.
Dad ku sugnaa meel aan sidaas ugu fogeyn goobta uu dilka ka dhacay ayaa ku warramay in ragga hubeysnaa ay marka hore weydiisteen Wiilka Telefoon uu gacanta ku sitay, hayeeshee uu isku dayay inuu ka diido, balse markii dambe ay dileen.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Axmed Xuseen, kaasi oo la tilmaamay inuu ahaa Wiil qoonyahaan ah, isla markaana ka baxay mid kamid ah Jaamacaddaha ku yaalla Muqdisho.
Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa xiliyada habeenkii ah mararka qaarkood dhac ka geysta rag hubeysan oo burcad ah, kuwaasi oo dadka shacabka ah ka qaata teleefonada gacanta iyo waxyaabaha kale ay wataan.