Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Axad ah waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ay kulan yeelan doonaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaadan doono Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddiga Joogtada.
Kulanka ayaa inta uu socdo waxaa Khubad ka jeedin doona Axmed Madoobe, isaga oo uga hadli doona Arrimo kala duwan, waxaana la filayaa in Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ay suโaallo weydiiyaan Madaxweynaha.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa tan iyo markii uu yimid Magaalada Muqdisho Talaadadii lasoo dhaafay waday kulamo gaar gaar ah uu la qaadanayay Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Dowladda, Siyaasiyiin iyo xubno kale.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maalmo kahor kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Guddiga Joogtada Golaha, isagoona la weydiinayay Suโaalo kala duwan, kana hadlay xaaladda dalka.