Raashiya oo Ethiopia ka taageeraysa La-dagaalanka Alshabaab.

Danjiraha dowladda Federalka Raashiya u jooga dalka Ethiopia, Fesefold Takajenko ayaa sheegay inay Dowladiisa kordhinayso Xiriirka dhinaca Ammaanka ee ay la leeyihiin Dowladda Ethiopia.

Danjiraha waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu shalay magaalladda Addis Abeba kula kulmay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Ethiopia, Ataske Selaasi, wuxuuna xusay inay Dowladda Ethiopia iska kaashan doonaan La-dagaalanka Alshabaab.

ethiopia and russiaDanjire Fesefold Takajenko waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay inay Dowladda Federalka Raashiya quudaranayso inay Dowladaha Geeska Afrika ka taageeraan La-dagaalanka Alshabaab.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay Diyaaradaha Dagaalka Raashiya duqeynayaan Deegaannadda ay Kooxda Daacish kaga sugan yihiin dalka Syria.

Si kastaba ha ahaatee, waa marki iugu horreysay oo Diplomaasi ka tirsan Federalka Raashiya uu si cad u sheego inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan  Dagaalka lagula jiro Xarakadda Alshabaab.

© Radio Dalsan                 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor