Muwaadinkaasi oo 18-jir ah ayaa waxa horey loogu xukumay xabsi hal sanno ah, kadib, markii isagoo ku jira Xeradda lagu hayo Qaxootiga ee Malta uu u  baxsaday dalka Fransiiska.
Maxkamadda Malta ayaa waxay shalay dib-u-eegtay Xukunkaasi, waxayna Xeer-beegtida garwaaqsatay inuu Eedeysanaha yahay Wiil aad u da’ yar, iyadoo Xukunkiisa lagu soo koobay 6 bilood oo keliya.
Muwaadinkaasi oo ku jiray Xeradda lagu hayo Qaxootiga ee Hal Fafi detention centre ayaa waxay isaga iyo Qaxooti kale oo shisheeye u safreen dalka Faransiiska 2-sanno ka hor, iyagoo isticmaalaya Dukumentiyo la been abuuray.
Dowladda Faransiiska ayaa la sheegay inay Dhallinyaradaasi dib u soo celiyeen Malta,  kadib, markii la ogaaday inay mar hore Qaxooti ahaan isaga  dhiibeen Malta.
© Radio Dalsan      Â