Raashiya iyo Turkiga oo ka wada shaqeynayo xal-u-helista Dagaalka Syria.

 

Madaxweynaha Raashiya iyo dhigiisa Turkiga oo Kulan ku yeesay Mosko ayaa sheegay inay sii wadi doonaan Dadaalkaasi, si xal siyaasadeed loogu dhameeyo Dagaallada Syria.

Labada Dowladood waxay ka wada shaqeeyeen Xabbad-joojintii bishii December ka dhaqan gashay dalkaasi, ee lagu yareeyey Xawligii Dagaalka.

Waxay kaloo isku keeneen Wakiilo ka kala socda Dowladda Syria iyo Fallaagadda, kuwaasi oo yeeshay Labo Kulan, mid kalena la qaban doono Isbuuca soo socda.

Dhinaca kale, Madaxweyne Erdogan waxa uu dhigiisa Raashiya ku tilmaamay Saaxiib Qaali ah, wuxuuna ugu baaqay in la qaado dhamaan Xayiraadadaha Ganacsiga, Fiisaha Xorta ah iyo in la kordhiyo Duullimaadyadda Ganacsi ee Labada Waddan.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media