Qorshe Cusub oo lagu hubinayo Ilaalada Mas’uuliyiinta galeysa Madaxtooyada oo bilaabatay kadib weerarkii SYL

Ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa bilaabay qorshe cusub oo lagu xaqiijinayo ammaanka xarunta Madaxtooyada, kadib markii Al-shabaab habeeno kahor ay weerar ka geysteen Hotel SYL oo kaabiga ku haya Madaxtooyada.

Qorshahaan ayaa ah in aad loo hubiyo cid kasta oo galaysa Madaxtooyada hadii ay ahaan laheyd gaadiidka ay la socdaan Mas’uuliyiinta kala duwan ee dowladda iyo shakhsiyaadka kalaba iyo sidoo kale ilaalada ay wataan.

Albaabka laga galo Madaxtooyada ayaa waxaa buux dhaafiyay askar badan oo ilaalo u aheyd masuuliyiin dowladda ka tirsan oo la sheegay in laga reebay madaxdii ay la socdeen, kadib markii iyaga loo fasaxay gudaha ay galaan ilaaladana baaritaano dheeraad ah lagu sameynayay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan dowladda ayaa Idaacada Dalsan ee Muqdisho u sheegay in la hubinayo Aqoonsiyada ilaalada la socota masuuliyiinta, iyada oo kuwa aqoonsiyada wata loo fasaxayo in ay galaan gudaha Villa Soomaaliya halka inta kale ee aan aheyn askar dowladda u shaqeysa aqoonsina haysata aan loo ogoleyn in ay albaabka ka gudbaan.

Qorshahaan ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay weerar ka geysteen hotelka SYL iyaga oo ku soo la bistay diriiska ciidamada dowladda kadibna gudaha hoteelka ka dagaalamay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media