Cumar Xasan Al-Bashiir oo la xukumay

Fadhig maxkamadda waxaa markii hore harreeyay dibadbaxayaal taageersan Cumar Xasan Al-Bashiir kuwaas oo qeylo billaabay markii uu Garsooraha ku dhawaaqi lahaa xukunka.

Waxay ku qeylinayeen in dacwadda ay tahay mid siyaasadeed, ka dibna garsooraha ayaa amray in ay ka baxaan maxkamadda gudaheeda.

Markaa ka dib waxaa Al-Bashiir lagu xukumay laba sano oo xabsi ah, mana la geyn doono xabsi caadi ah, balse waxaa lagu hayn doonaa xarun dhaqan-celin.

Waxaa lagu helay in uu galay dembi musuqmaasuq. Kiiskan waxaa xudun u ahaa $25 milyan oo dollar oo laga helay gurigiisa muddo yar ka dib markii xilka laga qaaday, horraantii sannadkan.

Cumar xasan Al-Bashiir wuxuu sheegay in lacagta ay tahay hadiyad uu ka helay boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan dhaxal-sugaha, Amiir Maxamed Bin Salmaan.

“Maxkamadda waxay dembi ku heshay Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir,” ayuu yiri garsooraha go’aanka gaaray Al-Sadiq Cabdiraxmaan oo inta ku daray: “Maxkamadda waxay go’aansatay in ay u dirto xarun bulsho oo loogu talagalay daryeelka iyo dhaqancelinta oo laba sano lagu hayn doono.”

Sababta aan xabsi caadi ah loo geyn wuxuu garsooraha maxakamadda ku sheegay in Al-Bashiir uu yahay 75 sano jir – taasna waa sabab kale oo dad badan oo reer Sudan ah ay u dareemayaan in xukun fudud lagu riday.

Madaxweynihii hore ee Sudan, wuxuu xilka ku qabsaday afgembi dhacay sannadkii 1989-kii, waxaana xilka laga tuuray bishii April ee sannadkan, 2019, ka dib dibadbaxyo dhowr bilood ka socday dalkaas.

Cumar xasan Al-Bashiir wuxuu sidoo kale wajahayaa eedo la xiriira doorkii uu ku lahaa afgembigii uu xukunka kula wareegay.

Balse weli ma cadda in Al-Bashiir loo maxkamadeyn doono tacaddiyadii xuquuqda aadanaha ka dhanka ahaa ee dhacay muddadii uu xilka hayay – sida xasuuqii Darfur.

Maxkamadda Caalamiga ah ee dembiyada dagaalka ayaa Al-Bashiir u raadineysa dacwad la xiriirto xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ka mid yihiin kuwii ka dhacay Darfur.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media