Dowladda oo heshiis dhex-dhigtay Beelo ku dagaalamay Gobolka Mudug

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku guuleystay heshiisiinta Beelo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaanadda Toowfiiq iyo Afbarwaaqo

Kulamo aan loo kala kicin oo ka kala qabsoomay  deegaanadda  Afbarwaaqo iyo Toowfiiq ayaa laysugu keenay waxgaradka degaanadaasi.

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Saraakiisha kale ee Xoogga Dalka ayaa kuhowlan in aysan dib usoo noqon colad beeleedyada kadhacay degaanadaasi.

Dhanka kale Taliyaha iyo wefdiga saraakiisha ah ee la socday ayaa bilaabay qorshe lagu qarameynaayo maleeshiyaadkii halkaasi ku dagaalamay, si ay qeyb uga noqdaan ciidamada qalabka sida ee dalka, isla markaan uga qeyb qaataan xoreynta deegaanada weli ku jira gacanta Al-shabaab.

Si kastaba dagaalkii ka dhacay deegaanada Afbarwaaqo iyo Toowfiiq ee bariga Gobolka Mudug ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 25 ruux, halka tirro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media