Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir guddoomiyey kulan gaar ah oo aaladda Foggaan aragga ku dhaxmaray Dowlad Goboleedka Galmudug iyo hay’adaha iyo safaaradaha caalamka.
Madaxweynaha oo furitaank shirka ka jeediyay khudbad ayaa kaga hadlay arrimaha Amniga, Nabadeynta, Dhab-u-heshiisiinta, Dowlad wanaagga, Dhaqaalaha iyo Dhismaha Kaabayaasha dhaqaale.
Waxaa Madaxweyanaha shirka ku wehliyay wasiiradda arrimaha Gudaha, Amniga, Maaliyadda, Haweenka iyo howlwadeeno ka tirsan Madaxtooyada Galmudug. Dhinaca beesha caalamka waxaa kaga qeyb galay hay’ado fara badan oo iskugu jiray Qaramada midoobay iyo kuwa caalami ah.
Wasaaradihii Galmudug shirka ugu qeybgalay ayaa si faahfaahin ka bixiyay dhamaan arrimaha kor ku xusan. Shirkaan ayaa ahmiyad gaar ah siinayay qorshayaasha kala duwan ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Madaxweynaha ayaa ugu danbeyn ka mahadceliyay dhamaan kasoo qeybgalayaasha shirka ayadoona la isku afgartay in la isku soo laaban doono mudada dhaw.