Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseeen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana kulanka oo saacado qaatay looga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya siyaasadda dalka iyo xukuumadda la filayo in dhawaan uu soo dhiso Ra’iisul Wasaaraha Cusub.
Ra’iisul Wsaare Rooble ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo Guddomiye Ku Xigeenka Kowaad ee Golaha Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey.
Ra’iisul Wasaaraha oo soo saaray qoraal uu kaga hadlayay kulan uu la yeeshay Guddoomiyaah iyo Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in kulanku uu ahaa mid muhiim ah oo mira dhal ah.
“Waxaan Caawa Kulan Muhiim ah oo miro dhal ah la qaatay Guddoomiyaha iyo Gudddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Barlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Rooble ayaa wada wada tashiyo waxaa uu la yeelanayaa dhinacyada kala duwan ee ku lugta leh Siyaasadda dalka, iyadoo dhawaan laga sugayo in uu ku dhawaaqo Golihiisa wasiirada.