Qoorqoor oo James Swan u xaqiijiyey inuu la shaqeynayo Dowladda MW Xasan Sheekh

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa Maanta gaaray wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayey Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, iyagoona halkaas lagu soo dhaweeyay.

Wakiil James ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyagoona kala hadlay marka hore xaaladda guud ee degaanada Maamulkaas.

Sidoo kale kulanka Madaxweyne Qoorqoor iyo James Swan ayaa looga wada arrinsaday dhismaha dawladnimada, amniga, abaaraha iyo taageerada Qaramada Midoobay, wuxuuna Madaxweyne Qoorqoor u mahadceliyay wafdiga ka socday Q/Midoobay.

“Asagoo eegaya mustaqbalka, madaxweyne  Qoorqoor waxa uu noo xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay in uu la shaqeeyo maamulka cusub ee Federaalka iyo in la gaaro waxyaabaha muhiimka  u ah  qaranka Soomaaliya,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee QM James Swan oo warbaahinta kula hadlay Dhuusamareeb.

Hadal uu warbaahinta maanta uga jeediyay Dhuusa-mareeb, ayaa ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan waxa uu u xaqiijiyey Madaxweyne Qoorqoor inay sii wadayaan gargaarka bini’aadantinimo iyo u doodista taageero caalami ah oo dheeraad ah si loo yareeyo xaaladda abaareed ee ka jirta Galmudug loogana hortago Macaluul ka dhacda Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor