Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Jubbaland Jeneraal Maxamed Warsame Darwiish ayaa la xaqiijiyey inuu goor dhow ku geeriyoodayรย dalka Jarmalka oo muddooyinkii lasoo dhaafay uu ku sugnaa.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Wasiir Maxamed Darwiish uu u geeriyooday xanuun haayay, isagoo maalmihii dambe xaaladdiisa Caafimaad lagula tacaalayey Isbitaal ku yaalla Jarmalka oo ugu danbeyn ugu dhintay xanuunkii haayey.
Masรขโฌโขuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo ehelada Marxuum Maxamedรย Warsame Darwiish ayaa xaqiijiyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Jubbaland.
Madaxda Maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi u diraya qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Maxamed Darwiish.