Qoorqoor oo Garsoorayaal Cusub u magacaabay Maxkamaddaha Galmudug

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Maanta Garsoorayaal cusub u magacaabay Maxkamaddaha Sare iyo Rafcaanka ee deegaanada dowlad Goboleedka Galmudug.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Qoorqoor ayaa lagu magacaabay Garsoorayaasha cusub, waxaana Maxkamaddaha Gobolada iyo degmooyinka Maamulka loo magacaabay Guddoomiye iyo Garsoor.

Sababta keentay Magaacbista Garsoorayaashan ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay baahi loo qabo dhameystirka Hay’adda Garsoorka dowlad Goboloeedka Galmudug, isla markaana Qooqoor uu tixgeliyay soo jeedinta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa u qorneyd:

Magacabid Garsoorayaasha Galmudug

Madaxweynaha Dowladda Galmudug

Markuu Arkay: Qodobka 50aad farqaddiisa 5aad ee Dastuurka Galmudug;

Markuu arkay: Qod: 6aad ee Dastuurka DGGM, ee qeexaya sarreynta sharciga;.

Markuu arkay: Qod:18aad ee Dastuurka DGGM, ee qeexaya dhowrista xuquuqda eedeysanaha;.

Markuu garowsadey: Baahida loo qabo dhameystirka hay’adda garsoorka GM.;

Markuu tixgeliyay soo jeedinta: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug;.

Markuu la tashaday: Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug;

Wuxuu soo saaray xeerkan:

Qodobka 1aad:

Wuxuu Magacaabay Garsoorayaasha hoos ku xusan:

Maxkamadda Sare ee Galmudug:

1- Mahdi Cabdullaahi Macalin Nuur- Garsoore

2- Cabdullahi Cabdiqani Sh Yuusuf-    Garsoore

3- Maxamed C/llahi Ilbir-                    Garsoore

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud:

1- Cabdullahi Axmed Cali            -Gudomiye

2- Cabdiraxman Xasan Cali          -Garsoore

3- Cabdirisaaq Cabdulle Xasan   – Garsoore

Maxkamadda Gobolka Galgaduud:

1- Cismaan Cali Maxamed           – Guddoomiye

2- Axmed Salaad Kulane              – Garsoore

3- Cabdirisaaq Bashiir Sh. Ciise  —Garsoore

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Mudug:

1- Nuur Cali Culusow                     – Garsoore

2- Maxamuud Cabdi Cabdulle      -Garsoore

Maxkamadda Gobolka Mudug:

1- Xuseen Aadan Axmed                             -Garsoore

2- Cabdullahi Cabdiraxmaan Maxamed  – Garsoore

Maxkamadda Degmada Hobyo:

1- Shaafici Cali Aadan           – Guddoomiye

2.-Xirsi Maxamuud Xalane   – Garsoore

Maxkamadda Guriceel:

1- Maxamuud Jimcaale Xalaned     – Guddoomiye

2- Cabdirisaaq Diiriye Faarax           -Garsoore

Maxkamadda Degmada Cadaado:

1-  Cabdicasiis Ciise Cali                          – Guddoomiye

2-  Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamuud   -Garsoore

Maxkamadda Degmada Balanbal:

1- Xuseen Cabdullaahi Yuusuf       – Guddoomiye

2- Axmed Aadan Cilmi                    – Garsoore

Maxkamadda Degmada Cabudwaq:

1- Yuusuf Cumar Maxamed      – Guddoomiye

2- Ibrahim Yusuf Maxamuud    – Garsoore

Maxkamadda  Xeraale:

1- Shariif Ciise Maxamed   – Guddoomiye

2- Cabdiqaadir Cabdullaahi Maxamed  – Garsoore

Qodobka 2aad:

1- Waxaa lafarayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee Dowladda Galmudug, in ay la shaqeeyaan garsoorayaasha Cusub ee la Magacaabay, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Qodobka 3aad:

1- Xeerkaan waxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Madaxwaynaha Dowladda Galmudug. Waa uuna saxiixay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor